Gabaygaan Taariikh da Soomaali geli doona ee Daawoqabiil
Waxaa tiriyey Abwaan Nooradiin Darwiish
Guddoomiyaha USD Party Xisbiga Midnimada
• Dagaalada dalkeyga ka dhacay daal ma igu reebay
• Dagaalkaas qabiilkaa dumiyey qaran dalkii hooyo
• Dabaabaad ayaa waxays ku riday duul walaalaahe
• Dantoodii ayey wada gefeen duhur dharaartiiye
• Dibindaabyo hoosaa jirtee doqone waa mooge
• Daawadoo cayaar maahinee dhiig aaya daatay
• Diric & weliba waxa la dilay geesi daacadahe
• Dulmigaas qabiil loo guntiyey baan diirka ka cadeyne
• Degmo ilaa gobol hadii noloshi duugoowday
• Dilka & xumaanbataba haddan derajo moodeyno
• Deegta qoriga noo saran & daarahoon domino
• Derisnimada oon diidno & sharafta diinteena
• Duqey iyo caruur baa la dilay iyo dumarka & hooyo
• Duqsiyadii quraankiyo hadddii diinta laga leexday
• Dooxatada falkeedba hadii loo dadaalaayo
• Daaqadaha xumaantee la furay yaa dabool saaraa.
•
• Afartaa da iyo woowga iyo deel maka hingaadshay
• Dantii aan ka rabay iyo wadada derita moow qaadshay
• Daleel gabaygu iima tagee meydin deegsiiyay
• Deeleyda maansada abwaan daadah-shaan ahaye
• Dadku markeey dagaagaan ayaan gabay ku doojaahe
• Dahab lumay nin doondoonayoo daalan baan ahaye
• Danqashada wadanimo ayaan faaraxow demine
• Daljirkii dalkaygaan ahoo dirir qabiil diidan
• Dalkiisii nin jecel baan ahoo qurbaha daalay
• Calankeyga doogaa ayaan daawadaa abide
• Dadka oo heshiiyaan rabaa dowlad daacad ahe
• Dareenkaas qabiilkaa ayaa daawadiis keenay
• Dadweynoow dantaadii ayaan doorkaan kuu sheegi
• Daqaal oogayaashii ayaad daacad moodane
• Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
• Daba dhilif shisheeyaha la jira doolar badan qaatay
• Dirirtaas colaadeed wadiyo dabino qoolqoolan
• Duulaan colaadeed kuwaas qoriga deegeystay
• Duligiyo xumaha kuwa nabaday ee nabada diidaaya
• Dalaal iyo malaal iyo kuwaas daacada ilaaway
• Dariiqyada habeenkii ku hara ceebta daba jooga
• Darajada habeen riyo ku helay ee duhurkii doonaya
•
•
• Afartaa dadiyo woowga & deel maka hingaadshay
• Dantii aan ka rabay iyo wadada derita moow qaadshay
• Daleel gabaygu iigama tagee maydin deeqsiiyay
• Dadku Markeey dagaagaan ayaan gabay ku doojaahe
• Afar kale waa iga didniin aan dadka u sheege
• Dufta sare daxal hoosta taal maan dabka ilaawno
• Diidmada qayaxan iyo hunguri doobi loo culayo
• Daar dheer kursiga saaran ee beenta lagu doono
• Dacas wada dhamaadeey danbiil dacalka haystaane
• Dirqi xoog ku dooreey rabaan dabamar sheydaane
• Docwareenka waa lagu yaqaan deyrada iyo hooga
• Debnaha hadalka caaydaa ku badan duco ma sheegaane
• Deymada indhaha kugu gubaan xaqa daboolaane
• Duxmalaha qabiil iyo waxeey darajo moodaane
• Damac iyo hunguri baa ku jira nolol dariiq beeshay
• Dalka anaa u talin baa qabiil laysku doox-dooxay
• Duqeydii caruurtii miyaa daawo loo waayey
• Dunidii ayaa yabane nabada yaa diidan
• Dadku inuu degiyo yaanan rabin derisnimo kheyrka
• Durbaanada qabiil yaa tumoo yaa damiir beelay
• Deyn deyn ku gaar yaa duqey doolar badan siiyey
• Danta guud aaya diidanoo tiise yaa doonay
• Kanaan dilay kanaan dila lahaa yaa dadka u sheegay
• Daboolkaan ka rogey faaraxoow doodi qarameede
• Wadaniga danqanayaan u furay doow la soo mara e
• Doqon dheregtay waa lagu yaqaan daaciyo qurine
• durduradana waa lagu yaqaan socod dabaaleedka
• Daawadii qabiil baan hayaa ee dadyahow hooya
• Duuduub waxii hore udaa hoow durbaantumine
• Dufta sare daxal hoosta taal maan dabka ilaawno
• Duuduub hadan loo liqeyn dacar qaraarkeeda
• Daalkii xanuunkii dadyahoow soow ma daashaanba
• Dermo laysu fidiyo hadaan caano lagu daadin
• Daacadii ilaaheey hadan nabad loo dooran
• Duco guud hadan faaraxoow duhur la wada yeelan
• Denbiyadii la kala galay hadan nabada loo deynin
• Duulba duul waxii uu ku dhahay daaqada laga tuurin
• Derisnimada kow ah iyo haddan faaraxoow nabad la doon-doonin
• Dastuur noo dejiya oo dadyahow nolol dugaag diida
• Daa'inoow ilaahoow mar kale nabad soo daabur
• Darwiish baa aniga lay yiraah geesi daacadahe
• Dalka inaan imaadaan raba oon aan soo degee
• Xamar baan dulheehaabayaa sida dabeyshiye
• Dayaaradaha dheereeya iyo dulal bay sida'e
• Deg markaan iraahdaan arkaa dhiig la daadinayo
• Diiftaas shacabka haysaan arkaa iyo darxumo guude
• Dalkeygaan jeclahay faraxoow dunidan oo idil
• Danbi malaha ruuxii ilaah uu ka daayaaye
• Dunidaan hadii aan ka tago oo naftu I deyso
• calankeena igu duuga oo ducana ii dhaafa
• Ma duugoowdo taariikhdu oo wax noo dihane
• diiwaanka meel iiga qora darxumada qurbaha igu heshiyo sheega diiftayda
• Daa inoow ilaahoow dalkaygii markale dowladnimo noo hel.
Abwaan Darwiish waxaa uu sameeyey Filimada *Daawo Qabiil* Soomaalida u ooya*
waxaa kale abwaan Darwiish soo Saaray Albumkii *YAA QIIL U HELI KARA*
Waxaa kale uu qoray heeso badan oo ku saabasan guubaabo qaran & nabad